Himilo FM –Kooxda City oo ah naadiga labaad ee kamid ah kooxaha loo badinayo inay qaadi karaan horyaalka Pl-ka ayaa lala xiriirinayaa dhowr ciyaaryahan balse halkaan waxaan kugu soo gudbinayaa 10-ciyaaryahan oo ay macquul tahay inay lasoo saxiixdaan xagaagan.
1) Samuel Umtiti (Barcelona)
Samuel Umtiti waa 25 jir daafaca dhexe kaga ciyaara kooxda Barcelona, waa xiddg katirsan xulka qaranka France isaga oo xulka kula guuleystay koobka adduunka xagaagii 2018.
Laacibkan reer France ayaa sagaal kulan u ciyaaray Barcelona xilli ciyaareedkan isaga oo diiwan geshaday keliya hal caawin, xiddigan waxa uu kamid yahay kuwa ay bartilmaameysanayso kooxda Man City, waxaana laga yaabaa in lagu iibsado qiimo u dhaxeeya £60m ilaa £70m.
2) Callum Wilson (AFC Bournemouth)
Callum Wilson oo 27 jir ah ayaa weerarka kaga ciyaara kooxda Bournemouth, waxa uu sidoo kale kamid yahay xiddigaha xulka qaranka England isaga oo kulankiisii ugu horreeyay ciyaaray bishii November 2018. Callum waxa uu kooxda u dhaliyay 11 gool iyo toddobo caawin 23 kulan oo uu kooxda u ciyaaray, waa mid kamid ah xiddigaha ugu saameynta badan horyaalka Pl-ka.
Waxaa la saxiixatay kooxda Bournemouth 2014-kii, waxaana lagu qiimeeyaa £25M oo Gini waana dooq ay City ku nasan doonto haddii ay la saxiixdaan.
3) Antoine Griezmann (Atletico Madrid)
Antoine Griezmann waa 27 jir weerarka kaga ciyaara naadiga Atletico Madrid, waa qeyb kamid ah xulka qaranka France isaga oo xulka u saftay markii ugu horreysay March 2014 waxa uuna qeyb ka ahaa xiddigihii France ka saaciday koobka adduunka 2018.
Griezmann ayaa 12 gool iyo lix caawin ka sameeyay 28 kulan oo uu ciyaaray kooxda Atletico fasal ciayareedkan. Xiddigan ugu yaraan waxaa lagu iibin karaa £90m, waxaana lagu qiimeeyaa £120m.
4) Ben Chilwell (Leicester City)
Ben Chilwell waa 22 jir u ciyaara kooxda Leicester City iyo qaranka England kaasi oo seddexda libaax u ciyaaray shan kulan tan iyo markii uu kulankiisii ugu horreeyay u ciyaaray September 2018.
Chilwell waa mid kamid ah xiddigaha leh tayada wanaagsan kaasi oo ka ciyaara booska danbeedka biddix, laacibkan waxa uu koowaad fasal ciyaareedkaan u ciyaaray 29 kulan isaga oo aan wax gool dhalin balse sameeyay seddex caawin. Chilwell waxay kooxda Leicester ku iibin kartaa ugu yaraan £25m.
5) Julian Weigl (Borussia Dortmund)
Julian Weigl waa 23 jir ka ciyaara daafaca dhexe kana tirsan naadiga Borussia Dortmund, waa qeyb kamid ah xulka qaranka Germany kaasi oo u ciyaaray shan kulan tan iyo bishii May 2016.
Weigl weli waa da’yar muujiyey awood sare oo aan la dafiri karin, waxa uu xiddigan ciyaaray 11 kulan isaga oo dhaliyey hal gool, waxaa lagu qiimeeyaa £20m oo Gini.
6) Saul Niguez (Atletico Madrid)
Saul Niguez waa 24 jir khadka dhexe kaga ciyaara Atletico Madrid iyo qaranka Spain waxa uu xulka u ciyaaray 15 kulan tan iyo markii uu kulankiisi ugu horreeyay u ciyaaray September 2016.
Xiddigan waxaa loo arkaa beddelka Fernandinho kaasi oo da’diisu ay muuqato mid sii idlaaneysa, 24 kulan oo uu kooxda u ciyaaray waxa uu dhaliyey seddex isaga oo sameeyay hal caawin. Saul Niguez ayaa lagu qiimeeyaa £80m oo Gini.
7) Declan Rice (West Ham United)
Declan Rice waa 20 jir ka ciyaara daafac dhexe kana tirsan kooxda West Ham United Republic of Ireland balse dhawaan ku adkeystay in uu ciyaaro xulka qaranka England. Rice ayaa laba gool u dhaliyey 28 kulan oo uu naadiga kasoo muuqday, waana mid kamid ah kuwa loogu doonis badan yahay suuqa kala iibsiga.
8) Nicolas Pepe (LOSC Lille)
Nicolas Pepe waa 23 jir garabka weerarka kaga ciyaara kooxda Lille iyo qaranka Ivory Coast kaasi oo 10 kulan ciyaaray tan iyo markii uu kulnkiisii ugu horreeyay u ciyaaray bishii November 2016.
Waxa uu dhaliyay 17 gool iyo 10 caawin 29 kulan oo uu ciyaaray fasal ciyaareedkan. Laacibkaan ayaa £9m oo Gini kaga soo dhaqaaqay naadiga Angers, waxaana hadda lagu qiimeyaa £60m ilaa £70m. Waana mid kamid ah kuwa ay dooneysa Man City.
9) Adrien Rabiot (Paris Saint-Germain)
Adrien Rabiot waa 23 jir khadka dhexe kaga ciyaara kooxda Paris Saint-Germain iyo xulka France isaga oo qarankiisa u ciyaaray lix kulan tan iyo markii uu kulankisii ugu horreeyay u ciyaaray November 2016. Rabiot ayaa noqon doona mid la heli karo xagaagan kaddib markii uu guuldareystay heshiis kordhin labada dhinac ah isaga iyo PSG. City ayaa xiddigan u aragta mid ay kaga maarmi karaan laacibka reer Brazil ee Fernandinho.
10) Houssem Aouar (Olympique Lyon)
Houssem Aouar waa 20 jir khadka dhexe kaga duulaan taga naadiga Olympique Lyon iyo qaranka France gaar ahaan ciyaartoyda ka hooseysa 21 jirrada.
Houssem ayaa kooxda u ciyaaray 28 kulan fasal ciyaareedkan isaga oo dhaliyey toddobo gool sidoo kalena waxa uu caawiyey seddex gool.
Laacibkan ayaa qiimihiisu kor u kacay waxaana lagu qiimeeyaa £40m oo Gini waana mid kamid ah xiddigaha ay doonayaan kooxda Man City.