Home / Macluumaad / Wax ka ogow 100-kii maalin ee xasuuqii Rwanda

Wax ka ogow 100-kii maalin ee xasuuqii Rwanda

Himilo FM –Rwanda ayaa billowday xusuus qaran oo loo sameynayo xasuuqii 25 sanno kahor lagu laayay dad ku dhaw hal Milyan oo qofood.

Baroordiiqda dhibanayaasha ayaa la qorsheynayaa inay socoto 100 maalin oo ka dhigan inta ay qaadatay in lagu xasuuqo 800,000 qofood oo reer Rwanda ah sannadkii 1994.

Tirada ugu badan ee dadka la dilay waxay ahaayeen Tutsiyiinta laga tirada badan yahay iyadoo falalka guracan geysteen koox isireedka Hutu-ga.

Madaxweyne Paul Kagame oo hoggaaminayay koox ciidan ah oo joojisay xasuuqii xilligaasi ayaa la filayaa in uu ka qeybgalo xuska qaran ee lagu qabanayo caasimadda Kigali.

61 jirka kataliya dalka tan iyo markii uu dhammaaday xasuuqa ayaa la rajeynayaa in uu khudbad ka jeediyo goob lagu aasay ku dhawaad 250,000 qofood oo la dilay intii lagu guda jiray xasuuqii dalkaasi.

Hoggaamiyayaal kala duwan ayaa ka qeyb galaya dhacdooyinka qaar ee la qabanayo, waxay badankood ka socdaan Afrika halka Charles Michel uu matali doono gumeystihii hore ee Rwanda ee Belgium.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ma xaadirayo Rwanda hase ahaatee waxa uu toddobaadkan ku dhawaaqay guddi khubaro ah oo baaraya kaalintii Faransiiska uu ku lahaa xasuuqii Rwanda.

Faransiiska waxa uu xulafo dhaw la ahaa Hutu-ga oo markaasi hoggaaminayay dowladii xilligaasi, waxaa lagu eedeeyay inuu iska indho tiray digniino xilli uu tababar siinayay maleeshiyaadka geysanayay weerarada.

Sidee ayuu ku billowday xasuuqii Rwanda?

Diyaarad siday madaxweynihii xilligaasi Juvenal Habyarimana oo ahaa Hutu ayaa la soo riday 6-dii bishii April sannadkii 1994-kii, , waxaa ku dhintay dhammaan intii saarneyd.

Koox isireedka Hutu-ga ayaa ku eedeeyay Tutsi-ga inay ka danbeeyeen shilka uu ku dhintay madaxweyniha inkastoo ay beeniyeen inay ku lug leeyihiin.

Kaddib, waxaa xigay weeraro si weyn loo qorsheeyay oo ay fulinayeen maleeshiyaadka Hutu-ga oo weeraro ku ekeeyay deegaanada iyo xarumaha dadka Tutsi-ga.

Majirin kala sooc carruurta, dadka da’da ah iyo haweenka intaba. Baacsiga waxa uu ahaa mid guud oo lagu beegsanayo cid kasta oo ku abtirsata Tutsi-ga.

Marka laga yimaado khasaaraha dhimasho iyo dhaawac,  waxyaabaha laga bartay xasuuqii Rwanda waxa kamid ah awoodda warbaahinta loo adeegsado sida khaldan.

Su’aalaha la isweydiinayo ee aan loo helin jawaabaha waxaa kamid ah kaalintii Faransiiska iyo Belgium-ka ka qaateen xasuuqa lagu hoobtay.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan