Home / Macluumaad / Wax ka ogow 25 dal ee ugu dhaqaalaha,caafimaadka iyo farxadda badan dunida .

Wax ka ogow 25 dal ee ugu dhaqaalaha,caafimaadka iyo farxadda badan dunida .

Machadka Legatum ee ku yaala magaalada London ee dalka Ingriiska ayaa soo saaray qiimeyn ku saabsan dalalka ugu barwaaqeysan caalamka .

a

http://radiohimilo.so

Lacagta dalka taala ama uu heysto ayaa ahayd sabab la qiimeynayay waxaase jiray arimo kale oo machadka Legatum uu eegay.

Waxyaabaha dal walba laga fiiriyay waxaa kamid ah dhaqaalaha, ganacsiga,dowladnimada, waxbarashada,caafimaadka, xasiloonida iyo nabad galyadda.

149 dal oo dunida ku yaala ayaa qiimeyntan lagu sameeyay waxaana 25ka dal ee ugu barwaaqeysan dunida sanadkan ay noqdeen:

1) New Zealand:  waa dalka ugu barwaaqada badan caalamka xiligan, sida machadka Legatum uu tilmaamay.

2) Norway: Todobo sano oo xiriir ah ayuu dalkan noqday dalka ugu barwaaqada badan dunida laakiin sanadkan hoos ayuu uga dhacay kaalintii uu mudada heystay.

3) Finland: waxa ay ku taala waqooyiga yurub, waa dalka ugu dowladda wanaagsan caalamka sida machadka Legatum uu qiimeyntiisa ku sheegay.

  1. Switzerland: mar walba kama marna dalka dalalka ugu barwaaqada badan caalamka , waxa uu aad ugu wanaagsan yahay caafimaadka.
  1. Canada: waxa ay daris la tahay Mareykanka, ganacsiga iyo xuriyadda qofka ayaa lagu ammaanaa.
  1. Australia:  waa dal dadkiisa ay barwaaqo ku naaloonayaan, cimilada dalkan ayaa aad u wanaagsan.
  1. Netherlands: waxa ay kaalinta labaad kaga jirtaa waxbarashada iyo dhaqaalahaba .
  1. Sweden: waxa ay ka sareysaa dalka ay dariska yihiin ee Denmark, kaalinta seddexaad waxa ay kaga jirtaa dhaqaalaha , dowlad wanaaga waxa ay ka fadhisaa kaalinta shanaad.
  1. Denmark: dalalka Skaandenefiyaanka ayay ugu hooseysaa marka barwaaqada laga hadlayo, kaalinta 5aad ayayna ka gashay nabadda.
  1. United Kingdom: inkastoo UK ay isaga baxday ururka midawga yurub hadana wali waxa ay ku jirtaa dalalka barwaaqada lagu sheego.
  1. Germany: waa halka lagu sheego dhaqaalaha yurub, kaalinta shanaaad ayay ka gashay dhinaca dhaqaalaha.
  1. Luxembourg: waxaa aad looga qadariyaa dalkan xuriyadda qofka , caafimaadkana wuu ku wanaagsan yahay.
  1. Ireland: sida Luxembourg oo kale, xuriyadda qofka waa lama taabtaan dalka Ireland , waxaa u sii dheer intaa kaalinta todobaad oo ay waxbarashada ka gashay.
  1. Iceland: 300.000 oo qofood oo kaliya ayaa ku nool dalkan, xuriyadda qofka iyo nabada way ku wanaagsan tahay.
  1. Austria: waa dal yar oo ku yaala bartamaha Yurub, nabadda ayaa lagu ammaanaa.
  1. Belgium:  waxbarashadeeda iyo xuriyadda qofku uu leeyahay ayay kaga soo muuqatay liiskan.
  1. United States: kaalinta kowaad ayuu galay Mareykanka marka laga hadlayo ganacsiga.
  1. France: kaalinta afaraad ayuu faransiisku galay marka la fiiriyo deegaanka dabiiciga ah .
  1. Singapore: waxa ay kamid tahay dalalka dhaqaalahoodu sareeyo, kaalinta 2aad ayay ka gashay caafimaadka.
  1. Slovenia:  waxa ay kamid tahay dalalka ugu barwaaqada badan Yurub, deegaankeeda dabiiciga ayay ku sareysaa.
  1. Spain: inkastoo siyaasadaha Spain ay saameyno yeesheen haddana waxa sanadkan ay kamid noqotay 25 dal ee barwaaqeysan.
  1. Japan: kaalinta seddexaad ayay ka timid dhinaca nabadda, afaraad dhanka caafimaadka.
  1. Hong Kong: inkastoo QM aysan u aqoonsaneyn dal madaxbanaan hadana kaalinta afaraad ayay ka gashay ganacsiga caalamiga ah .
  1. Malta: waa jasiirad yar oo ku taala badda Mediteriniyanka , dalalka barwaaqada leh ayay kamid tahay.
  1. Portugal: waxa ay kaalinta ugu danbeysana ay ku timid xuriyadda qofka oo maamulka dalkaasi ay ku ammaanan yihiin.

 

W/T: Mahad Mohamed Ali

Email: Mahat335@gmail.com

Xigasho: Wargeyska the guardian.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan