Home / Macluumaad / Wax ka ogow baasaboorada ugu awoodda badan caalamka

Wax ka ogow baasaboorada ugu awoodda badan caalamka

Himilo FM – Baasaboorka dalka Jabaan ayaa noqday midka ugu horreeya caalamka oo dhan iyadoo suura gal u tahay qofka heysta inuu tagi karo 190 dal isaga oo aan qaadan dal-ku-gal sida laga soo xigtay hay’adda Henley.

Singapoor iyo koonfur kuuriya ayaa yimid kaalinta 2aad iyadoo muwaadiniinta dalalkaasi ay tagi karaan 189 dal iyaga oo aan u baahan dal-ku-gal.

Booska seddexaad ee baasaboorada ugu awooda badan dunida waxaa soo galay dalalka Jarmalka iyo Faransiiska. Waxa uu muwaadinka mid kamid ah labada dal uu tagi karaa 188 dal isaga oo aan la weydiin dal-ku-gal.

Denmark, Finland, Talyaaniga iyo Swedhan ayaa soo xaadiray kaalinta 4aad halka Spain iyo Luxemburg yimaadeen booska 5aad.

Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa ku soo uruuray booska 6aad ee liiska baasaboorada ugu awoodda badan caalamka iyadoo muwaadiniinta labada dal gali karaan 185 dal iyaga oo aan qaadan dal-ku-gal.

Liiska waxaa ugu hooseeya dalalka Afgaanistaan iyo Ciraaq oo baasaboorka uu muwaadiniintooda u oggolaanayo inay ku tagi karaan 30 dal sida ku xusan xogta hay’adda Henley.

Dalalka kale ee soo galay halka ugu hooseysa liiska waxaa kamid ah Syria, Soomaaliya, Pakistaan iyo Yaman.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan