Home / Deegaan / Wax ka ogow biya-dhaca ugu dheer adduunka

Wax ka ogow biya-dhaca ugu dheer adduunka

Himilo – Biya-dhaca Angel ee ku yaalla Koonfur Ameerika waa midka ugu dheer biya-dhacyada adduunka.

Waxa uu ku dhex-yaal xarunta Canaima National Park ee dalka Venezuela, Angel sidoo kale waa mid kamid ah biya-dhacyada ugu quruxda badan dunida. Waxay 802 mitir ka sarreysaa oogada dusheeda – biya-dhacana wuxuu ku shubmaa webiga Kerep River.

Dherersanaanta biya-dhaca Angel aalaba kama dhigna in biyuhu aysan soo gaarin dhulka.

Goobtan la yaabka leh waxay aheyd mid aysan dunida ogeyn illaa sahmiye James Crawford Angel uu asteeyey sannadkii 1933 xilli uu baadi-goobayay dhagxaan qaali ah. Wuxuu isku dayay inuu diyaaraddiisa ku dejiyo Ayuan-tepui sanadkii 1937 hayeeshe degis kadib way awoodi waayeen inay kicitimaan.

Sidaas darteed, isaga iyo seddax jaallayaashiisa kamid ah waxay ku noqotay inay lug kaga dagaan biya-dhaca. Waxayna ku qaadatay 11 maalin inay dhulka ku yimaadaan – iyaga oo awooday inay dunida u weriyaan biya-dhacan dabiiciga ah kaas oo ugu danbeyn noqday mid caan baxay.

Diyaaraddu waxay kusii nagaatay goobta muddo 33 sannadood ah kahor intaan helicopter looga soo qaadin.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan