Home / Habka-Nolosha / Wax ka ogow dalalka ugu khatarsan xagga ammaanka caalamka

Wax ka ogow dalalka ugu khatarsan xagga ammaanka caalamka

Himilo- Ammaanka iyo socodka xurriyadda leh oo aan lagu dareemeyn baqdin ayaa kamid ah waxyaabaha dalxiisayaasha xiiseynayaan, sidaa darteed waxaa sannad kasta la sameeyaa warbixin ku saabsan dalalka ugu ammaanka fiican xagga dalxiiska iyo socdaalka.

Warbixinta sannadkan ayaa ka dhigtay Liibiya iyo Soomaaliya kuwa ugu ammaanka xun caalamka marka la eego dalxiiska iyo socdaalka.

Sida uu qoray wargeyska Daily Mail, warbixinta ayaa eegtay khataraha xagga safarka oo ay wajahi karaan dalxiisayaasha marka la joogo ammaanka wadooyinka iyo arrimaha caafimaadka.

Finland, Norway iyo Iceland ayaa noqday dalalka ugu ammaanka badan caalamka sida ku xusan warbixinta ay qoreen khubaro ammaan iyo caafimaad oo heer caalami ah.

Caafimaadka, dalalka ugu khatarsan waxaa kamid ah Niger, Guinea, Sierra Leone, Liberia, South Sudan, Eritrea iyo Central African Republic.

Ammaanka, waxaa sidoo kale ugu liita Afghanistan, Syria, Yeman, Ciraaq, Soomaaliya iyo Liibiya.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan