Himilo FM –Shirkad soo saarta dawooyinka oo laga leeyahay Switzerland ayaa soo bandhigtay dawada ugu qaalisan caalamka oo lagu dabiibayo xannuun ku dhaca carruurta.
Hay’adda cuntada iyo dawooyinka Mareykanka ayaa siisay shirkadda oggolaanshaha dawada oo lagu qiimeeyay lacag dhan 2.1 Milyan oo Doolar.
Dawada oo lagu dabiibayo xannuun ku dhaca murqaha carruurta ayaa la qaadanayaa hal jeer oo keliya sida ay qortay wakaalada wararka ee Reuters.
Shirkadda Novartis ayaa difaacday kharashka badan ee dawada iyadoo mas’uuliyiinta shaaciyeen in dawada tahay mid hal jeer la isticmaalayo kana wanaagsan tahay daweynta muddada dheer oo lacag badan ku baxeyso sannadkii.
Zolgensma ayaa loogu magac daray dawada, waxaana uu qorshaha ahaa in la soo bandhigo bishii April iyadoo ku fadhisa qiimo lacageed 5 Milyan oo Doolar balse dib ayaa loo qiimeeyay.
Xannuunka dhaxalka ku yimaada ee ku dhaca murqaha carruurta ayaa ka dhigaya cunugga in uusan madaxiisa kor u qaadi karin ama uusan fariisan karin keligii, waxa uu mararka qaar keeni karaa naafo ama geeri.
Cudurka ayaa ku dhaca halkii cunug ee kamid ah 10,000 ee dhalata.