Home / Macluumaad / Wax ka ogow faa’iidooyinka laga helo cunista Sabiibka

Wax ka ogow faa’iidooyinka laga helo cunista Sabiibka


Himilo – Waxaa jira faa’iidooyin caafimaad oo laga helo Sabiibka. Haddaba halkan hoose ka eeg faa’iidooyinka laga tilmaamo oo aan idin qoddobeynay:

1. Wuxuu daweeyaa calool-fuurka.

2. Wuxuu sare u qaadaa miisaanka qofka – culeyska. Waxaana ku jira maadooyinka protein ah.

3. Wuxuu kahor-tagaa cudurka Kansarka.

4. Wuxuu hoos u dhigaa cadaadiska dhiigga.

5. Wuxuu maareeyaa Kaadi-macaanka.

6. Wuxuu dawo u yahay cudurka dhiig-yarida ‘anemia’. Waxaana ku jira maadada iron-ka oo u fiican sare u qaadista dhiigga.

7. Wuxuu dawo u yahay qandhada ama xumadda.

8. Wuxuu daryeelaa caafimaadka indhaha.                  

9. Wuxuu u roon yahay ilkaha.

10. Wuxuu xoojiyaa lafaha waxaana ku jira calcium muhiimad u ah lafaha.

11. Wuxuu u firfircoonaysiiyaa galmada – maadada Arginine oo xoojisa shahwada taas oo sababi karta joogteynta howsha galmada ayaa ka buuxda. Waana dhaqan guud oo Hindiya laga yaqaan habeenka arooska oo caruuska iyo caruusadda ay cabayaan galaas caano ah oo lagu kariyay sabiib. Waxaana sidoo kale lagula taliyaa dadka la dhiban galmada inay badsadaan.

12. Wuxuu kahor-tagaa aashitada – sabiibka waxaa ku cabaysan potassium iyo magnesium kuwaas oo liddi ku ah aasidka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan