Himilo FM – Garoonka magaalada Dubai ayaa noqday mar kale midka ugu mashquulka badan caalamka ee lagu safro.
Maamulka garoonka Dubai ayaa sheegay maanta oo isniin ah inay qaabileen inka badan 89 Milyan oo rakaab ah sannadkii 2018 marka loo fiiriyo 88 Milyan oo ruux oo ku safray garoonkaasi sannadkii 2017.
Garoonka diyaaradaha Dubai ayaa markii ugu horreysay ka hormaray garoonka Heathrow ee London oo ahaa midka ugu mashquulka badan caalamka sannadkii 2014.
Tan iyo xilligaasi ayaa lagu tiriyaa garoonka Dubai midka ugu mashquulka badan dunida oo dhan iyadoo uu u adeeggo garoonka malaayiin rakaab ah sannad kasta.
Waxa uu garoonka muhiim u yahay safarada bari iyo galbeed isaga oo sidoo kale xarun u ah shirkada diyaaradaha heerka caalami ah Emirates.