Home / Daraasad / Wax ka ogow hab-nololeedyo kaa dhigi kara qof faraxsan!

Wax ka ogow hab-nololeedyo kaa dhigi kara qof faraxsan!


Himilo FM – Khubaro ayaa daaha ka qaaday dhowr hab iyo tallaabooyin qofka ka dhigi kara mid faraxsan islamarkaana aan dareemin walwal iyo walaac badan.

Haddii farxaddu tahay baahi kaa maqan oo aad daris la noqotay walwal, waxaa kugu filan inaad sameyso tallaabooyinka soo socda si aad u noqoto qofka aad dooneyso.

1- Tamarta oo la cusbooneysiiyo

Tani waxay noqon kartaa inaad sameyso dhaqdhaqaaq kasta oo aad ku dareemayso raaxo iyo nasiino, waxaa ka dhalanaya unugyo cusub oo xagga neerfaha ah oo ku caawinaya sida ay sheegeen baarayaasha machadka College London.

2- Tartanka oo ah dawo

Daraasad laga sameeyay Scotland ayaa lagu oggaaday in ciyaaraha lagu tartamo sida kubadda cagta inay xoojiso kalsoonida dadka qaba cudurrada nafsiga ah. Taa macnaheedu waa in markasta oo aad tartanka ka qeyb gasho inay kordheyso kalsoonidaada nafeed.

3- Beeraha oo laga shaqeeyo

Shaqooyinka beeraha oo aad qabato waxaa lagu tirin karaa hab kamid ah hababka lagu dhimi karo walwalka badan illaa 20% sida ay muujiyeen baaritaano hore.

4- Deegaanka doogga leh oo aad la noolaato

Baarayaasha jaamacadda qaranka Taiwan ayaa sheegay in 48 saacadood oo aad ku qaadato howdka ama deegaanada doogga leh inay kaa yareynayso walwalka iyo daalka, si gaar ah waxaa loo xusay haweenka da’ dhexaadka ah.

5- Shaqada oo aad lug ku tagto

Shaqadaada oo aad lug ku tagto intii aad gaari raaci laheyd ama qaadan laheyd waxay kaa badbaadineysaa khatarta walwalka badan. Daraasad hore ayaa bidhaamisay in kaxeynta gaadiidka muddo ku dhaw 90 daqiiqo oo ciriiri lagu kaxeeyo inay qofka ku reebayso daal iyo walwal.

6- Cunista xalwada iyo macmacaaanka

Dalka Australia, baaritaan ay ka qeyb galeen 650 qofood ayaa cadeeyay in xalwada oo qoyska loo diyaariyo inay kaalin wanaagsan ku leedahay dhimista walwalka. Waxaa lagu sheegay sababta maadooyinka ay xalwada ka kooban tahay oo ka weecinaya walbahaarka badan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan