Home / Haweenka / Wax ka ogow haweenka ugu awooda badan caalamka

Wax ka ogow haweenka ugu awooda badan caalamka

Himilo FM –Lataliyaha dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa mar kale noqotay hoggaanka liiska haweenka ugu awooda caalamka sida laga soo xigtay xog cusub oo Forbes daabacday.

Angela Merkel ayaa kaalinta afaraad ka timid liiska shaqsiyaadka ugu awooda badan caalamka ee sannadkii 2018 oo ay kamid noqdeen 75 qof.

Merkel ayaa loo arkaa inay tahay hoggaamiyaha dhabta ah ee ururka Midowga Yurub iyadoo la eegayo xilka ay heyso.

Therasa May oo ah ra’iisul wasaaraha Ingiriiska islamarkaana hoggaaminaysa hannaanka dalkeeda uu uga baxayo Midowga Yurub ayaa timid kaalinta 14aad.

Christine Lagarde oo ah agaasimaha sanduukha lacagta adduunka ayaa gashay kaalinta 22aad ee liiska halka haweenayda reer Mareykanka ee Mary Barra oo ah madaxa fulinta shirkada GMC timid booska 53aad.

Amarendre Direj oo madax ka ah wargeys ayaa sheegtay in inkastoo tirada haweenka awooda leh yaryihiin dunida haddana inta yar inay sameynayaan isbadalo dhab ah sida ay hadalka u dhigtay.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan