Home / Habka-Nolosha / Wax ka ogow haweenka ugu hantida badan caalamka

Wax ka ogow haweenka ugu hantida badan caalamka

Himilo – Haweenka waxay matalaan kala bar dadka caalamka hase ahaatee kama dhigna tiradan sida haweenka ku yihiin suuqa shaqada ama liiska maalqabeenada caalamka.

Sidaasi oo ay tahay, waxaa jira haween tiro yar oo lagu tiriyo maalqabeenada dunida, waxaana liiska haweenka maalqabeenada Forbes u horreeya:

1- Francoise Bettencourt Meyers (51.2 bilyan oo doolar)

Francoise Bettencourt waxaa waalid u ah aas-aasaha L’Oreal. Waxay qoyskeeda leeyihiin 33% saamiyadda shirkada oo sameysay faa’iidadii ugu badneyd muddo 10 sanno ah sannadkii 2018.

Waxaa kale oo haweenaydan u dhalatay Faransiiska hoggaamisaa shirkada qoyskeeda oo ka shaqeysa horumarinta seyniska iyo farshaxanka.

2- Alice Walton (45.1 Bilyan oo doolar)

Alice Walton waa gabadha uu dhalay ninka aas-aasay Walmart ee Sam Walton. Waxay leedahay labo walaalo oo kala Rob iyo Jim oo ka shaqeeya Walmart. Waxay xubin ka tahay guddiga sare ee hay’adda Walton Family Foundation taasi oo ku deeqday lacag dhan 536 Milyan oo doolar sannadkii 2017.

3- Jacqueline Mars (24.6 Bilyan oo doolar)

Haweenaydan ayaa leh seddex meelood meel shirkada Mars oo la aas-aasay sannadkii 1911-kii. Waxaa waalid u ahaa ninka ka danbeeyay  shirkada Mars.

4- Yang Huiyan (21.3 Bilyan oo doolar)

Yang Huiyan waxay leedahay 57% saamiyadda shirkada Country Garden Holdings ee ka shaqeysa hantida maguurtada ah. Waxaa kale oo ay madax u tahay hay’adda Bright Scholar Education Holdings oo fadhigeedu yahay Shiinaha.

5- Susanne Klatten (20.8 Bilyan oo doolar)

Susanne Klatten oo u dhalatay dalka Jarmalka ayaa leh 19.2% saamiyadda shirkada BMW ee sameysa gawaarida halka Stefan Quandt oo la dhashay uu qeyb ka leeyahay shirkada.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan