Home / Macluumaad / Wax ka ogow hoggaamiyaasha ugu da’da yar caalamka

Wax ka ogow hoggaamiyaasha ugu da’da yar caalamka

Himilo – Sebastian Kurz ayaa ku soo laabtay maamulka Austria isaga oo jira da’da 33-ka sanno, sidaasi waxa uu ku noqonayaa ra’iisul wasaarihii ugu da’da yaraa caalamka ee shaqadiisa la wareega.

Tani waxay ka dhigan tahay in la jabiyay rikoorka Sana Maran oo noqotay ra’iisul wasaaraha Finland iyada oo 34 jir ah.

Marka laga soo tago Sebastian Kurz iyo Sana Maran, waxaa jira hoggaamiyaal badan oo ku jira da’da soddomeeyada islamarkaana maamula dalal.

Ukraine: Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelinsky ayaa u magacaabay Oleksey Goncharuk in uu noqdo ra’iisul wasaaraha dalka bishii August ee tagtay. Da’diisa xilligaasi waxay ahayd 41 sanno.

El Salvador: Madaxweyne Najib Abu Kaileh ayaa la wareegay talada dalkan dhaca bartamaha Ameerika isaga oo jira da’da 37 sanno.

Andorra: Xavier Espoo Zamora ayaa noqday wasiirka koowaad ee xukuumadda dalka bishii May ee tagtay. Waxaa la tilmaamay in uu 39 jir ahaa xilligaasi.

Costa Rica: Carlos Andrés Alvarado Quesada ayaa loo doortay xilka madaxtinimo ee dalkan sannadkii 2018-ka isaga oo 38 jir ah.

New Zealand: Jacinda Ardern oo lagu sheegay inay leedahay tilmaamo hoggaamineed ayaa noqotay ra’iisul wasaaraha jasiiradan dhacda badweynta Pacific-ga.

Ireland: Isaga oo 38 jir ah ayuu Leo Faradkar noqday ra’iisul wasaaraha Ireland sannadkii 2017

Faransiiska: Emmanuel Macronayaa loo doortay in uu noqdo madaxweynaha dalkan bishii May 2017-ka. Waxay da’diisa ahayd 39 sanno jir.

Estonia: Yuri Ratas oo da’diisu tahay 38 jir ayaa noqday ra’iisul wasaaraha Estonia. Waxa uu xilka kala wareegay hoggaamiye kale oo da’yar ahaa.

Malta: Joseph Muscat ayaa noqday ra’iisul wasaaraha Malta sannadkii 2013-ka isaga oo 39 jir ah.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan