Home / Deegaan / Wax ka ogow magaalooyinka loogu booqashada badnaa 2018

Wax ka ogow magaalooyinka loogu booqashada badnaa 2018


Himilo FM – Magaalooyinka loogu tagista badnaa sanadka dhamaaday ayaa la soo saaray, qiimeynta waxaa sal looga dhigay dalxiiska.  Tobanka magaalo ee ugu horreeya dhanka tagidda lix ka mid ah waxay ku yaalaan Aasiya.

Qiyaastii 29 Milyan oo dalxiisayaal ah ayaa tagay Hong Kong 2018, waxaa loo diiwaan geliyay magaalada ugu caansan dunida ama loogu tagista badnaa. Balse waxaa kaalintaa ku cirbisay  caasimadda Thailand ee Bangkok oo bar dhammaad u noqotay  23.6 Milyan oo dalxiisayaal ah.

Magaalooyinka kale ee sannadkan dhammaaday diiwaanka galay waxaa ka mid ah Macau, waxay ku taal dalka Shiinaha. Waxaa buux dhaafiyay tamashleyaal gaarayay 18.9 Milyan, waxaan ka dhicin Singapore oo loo gartay magaalada afaraad ee dhanka dhaqaalaha waxay soo dhaweysay 18.5 Milyan oo dalxiise.

Dhanka kale magaalooyinka ku yaal Japan and Hindiya, waxaa la yiri waxay ku guuleysteen inay kobac dhanka dhaqalaaha sameeyaan, sida Osaka iyo Chiba waxay sameeyeen kobac ballaaran.

Magaalooyinka ku yaal Hindiya ee la xusay waxaa  ka mid ah  Delhi and Mumbai, waxay sameeyaan koror dhaqaale sanadeed oo dhan  20% . Geesta kale waxaa la filayaa in Mumbai isla sanadka soo socda ay ka mid noqoto tobanka magaalo ee Asia loogu tagista badan yahay.

Hay’adda Euromonitor International waxay u kuur gashay in ka badan 600 oo magaalo, toban ka mid ah ayay u aqoonsatay kuwa loogu tagista badnaa 2018, iyadoo laga fiiriyey dhanka dalxiiska.

Dalxiisayaasha ayaa isugu jira kuwo dalka u tagay inay macmuulaadka ka ogaadaan kolba dalka ay tagayaan iyo kuwo horey booqasho u sameeyay ama haysta dhawr dal ku gal, taas oo u saamaxaysa inay socdaalkooda ku tagaan dalal badan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan