Home / Macluumaad / Wax ka ogow maktabaddii lagu dhisay buugaagta lagu soo daro qashinka

Wax ka ogow maktabaddii lagu dhisay buugaagta lagu soo daro qashinka

Himilo – Maktabad nuuceeda tii ugu horreysay ayaa laga furay degmada Çankaya ee magaalada Ankara halkaas oo awal ahayd kob lagu qubo qashinka.

Shaqaalaha nadaafadda dowladda hoose oo muddo bil ah ku bixiyay ururinta buugaagta lagu tuuro goobaha qashinka iyo jidadka ayaa naftiisa iyo tan reeraha shaqaalaha nadaafadda u dhisay si ay aqoon uga kororsadaan aqriskooda.

Sidii warka sheekadiisu ay gees-ka-gees isku dhaaftay daafaha magaalada, muwaadiniinta ayaa bilaabay inay kusoo deeqaan buugaag halkii ay iska tuuri lahaayeen. Bishii September sanadkii 2018, waaxda Nadaafadda ayaa go’aansatay inay albaabada u furto maktabadda.

“Horraan waxaan jeclaa inaan yeesho maktabad. Hadda waan heysanaa. Waxaana doonayaa inaan wada aqriyo dhammaan buugaagta wada taalla halkan,” ayuu yiri  Serhat Baytemur, oo 32-jir shaqaale nadaafadeed ah.

Hadda maktabadda waxaa ku keydsan buugaag gaaraya 6,000 kuwaas oo isugu jira qeybaha kala duwan ee aqoonta maadiga ah. Waxaa sidoo kale jira kuwa ku qoran afafka Ingiriiska iyo Faranjiga oo dalxiisayaashu ay gaar u leeyihiin.

Dhismihii awal loo meeleeyey in qashinka lagu keydiyo, hadda gudihiisa waxaa ku camiran buugaag qof walba oo doonaya inuu aqristo u furan. Muddada buugaagta lagu amaahan karo waa laba toddobaad. Amaahduhuna wuxuu heli karaa waqti dheeri ah haddii uu u baahdo.

Dowladda hoose ayaa sidoo kale shaqaale joogto ah oo aqoon u leh maareynta maktabadaha u sameysay shaqada maktabadda.

Buugaagtii awalba la iska xoori jiray, hadda waxay yeesheen mudnaan gooni ah. Waxaana inay aqristaan darteed maktabadda usoo tiigsada muwaadiniin badan. Waxaana buugaag dhowr ah ka amaahda xarumaha wax-barashada iyo xabsiyada dhowr ah.

Carruurta shaqaalaha dowladda hoose iyo ardayda ka agdhow maktabadda ayaa buux dhaafiya gudaheeda

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan