Home / Deegaan / Wax ka ogow nolosha bisadaha
British Shorthair tortie and white female cat with tortie and white kitten, and chocolate and cream bicolour kittens

Wax ka ogow nolosha bisadaha

Himilo- Naflay yar oo dhogor jilicsan oo hebed ah oo dadka la dhaqanta; Dinnad, Mukulaal, Yaanyuur,

Waxaa jira in ka badan 500 oo malyuun oo Mukulaalo ah oo rabaayado ah. Waxaana jira ku dhawaad 40 unug-dhamays oo Yaanyuurro ah dunida dacalladeeda- Waxayna Bani’aadmiga la dhaqmeen ku dhawaad 10,000 oo sano. Waxay 24-kii saacba seexan karaan ku dhawaad 13-14 saacadood. Wax aragoodu waa mid awood badan. Sidka Yaanyuuraha waxaa loo shintiriyaa inta u dhaxeysa 58-65 maalmood. Waxay sameyn karaan ku dhawaad boqol codad oo kala duwan. Waxayna leeyihiin maskax aad ula siman midda Aadmiga.

Waxay leeyihiin awoodda ay ku xawaareyn karaan 30 mile saacadiiba. Waxa markiiba dhalaan 2 ilaa 6.

Mukulaaluhu malahan kartida ay ku dhadhamin karaan walxaha macmacaan. Ilkahoodu waa 30. Layaabkeeda waxaa kamid ah inay leedahay il saddexaad, taas oo kaliya la arko markay xanuunsadaan ama aysan fiicnayn.

Mukulaalaha ku nool dhulka Soomaalida waa kuwa ugu dheehasho fiican, marka loo eego cilmi-baarisyo dhowr ah oo la sameeyey. Cimrigoodu celcelis ahaan, wuxuu gaari karaa 15 sanadood. Culeyskeedii ugu badnaa wuxuu gaaray culaab dhan 21.3kg. Balse caadiyan culeyskoodu wuxuu u dhaxeeya 4 ilaa 5 kiilo.

Hal-ku-dhigyadii laga yiri Mukulaalaha waxaa kamid ah;

Mukulaal mininkeeda joogtaa, miciyo Libaax bay leedahay.

Mukulaal madax Doolli kama xijiso.

Mukulaal meeshay mac ku baratay macluul ugu dhimataa.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan