Home / Habka-Nolosha / Wax ka ogow qaar kamid ah dhaqamada Udxiyada ee caalamka

Wax ka ogow qaar kamid ah dhaqamada Udxiyada ee caalamka

Himilo – Dhaqamada Udxiyada ee dalalka caalamka ayaa kala duwan iyadoo laga simman yahay xoolaha la gowraco. Inta badan dhaqamada isma dooriyaan si kasta oo sannado badan ay kaga soo wareegato.

Bogga Himilo FM ayaa kuu soo koobaya qeyb kamid ah dhaqamada layaabka leh ee ku saabsan Udxiyada.

Dhaqanka Udxiyada ee Tunisia

Dalkan dhaca Waqooyiga Afrika ayaa leh dhaqan gaar ah oo ku saabsan Udxiyada. Idaha ayaa la gowracaa iyadoo aan la maqaar siibeyn, waxaa intaa dheer in aan la jajabineyn lafahiisa.

Dalka Liibiya

Dhaqanka Udxiyada ee Liibiya ayaa leh astaamo gaar ah oo ka soocaya dalalka kale ee Carabta. Waxaa laga xusi karaa in xoolaha la qalayo loo indho-kuulo islamarkaana loo mariyo barafuun ama la carfiyo kahor inta aan la gowracin.

Dalka Aljeeriya

Marka la joogo Aljeeriya, Tartan adag oo musaaraco ah ayaa loo sameeyaa xoolaha loo gowrcayo. Dadka diyaarinaya ayaa sameeya bandhig weyn oo musaaraco ah oo lala galayo xoolaha kahor inta aan la saarin mindida.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan