Home / Habka-Nolosha / Wax ka ogow saameynta iskaalshada/siksaanta lagu jiifto

Wax ka ogow saameynta iskaalshada/siksaanta lagu jiifto

Himilo – Tan iyo muddo sannado ah, waxay dood badan ka taagan tahay dhaqanka dad badan oo ku jiifta iskaalshada ama siksaanta hase ahaatee waxay hadda u muuqataa in si cilmiyeysan looga jawaabi karo saameynta arrintaasi.

Dalka Mareykanka, 44% dadka ku nool waxay dhibsadaan inay ku seexdaan iskaalshada halka 28% ay doorbiddaan inay ku jiiftaan iyada oo inta kale qabaan aragti isku-milan.

Bogga “Apartmenttherapy” ayaa tilmaamay in iskaalshada oo lagu jiifto inay kaalmeynayso xubnaha qaar ee jirka qofka sida inay nidaamiso heer kulka jirka iyo dhiigga.

Waxaa kale oo intaa dheer in dadka ku jiifta siksaanta inay raaxo ku dareemaan hurdada sida uu ku soo waramayo bogga “Apartmenttherapy” oo sameeyay ra’yi uruurin la xiriirta arrintan.

Markay joogto hurdada, qabowga ayaa dhiira geliya, waxaana qofka u baahan yahay heerkul u dhaxeeya 15 illaa 20 Salsiyas sida uu shaaciyay isbitaalka Clevand Clinic ee dalka Mareykanka.

Haddii uu jiro qabow darran waxay u badan tahay in qofku soo kaco dhowr jeer haddii uu ku jiifto iskaalsho ama siksaan sida khubarada isbitaalka Clevand ay tilmaameen.

Dadka dareema qabowga darran ayaa inta badan ku jiifta iskaalshada laakiin waxay arrintan marwalba ku xeran tahay cimilada deegaanka.

Dadka xiiseeya ee ku jiifta siksaanta iyo kuwa kale ayaa in muddo ah dooddo iska hor imaanaya ka keenay iskaalshada lagu jiifto hase ahaatee waxaa jira dad kale oo tiro badan oo aan xittaa kabaha ku qaadan iskaalshooyinka, waxaana lagu kala tagay hababka nolosha ee qof walba u gaarka ah.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan