Home / Habka-Nolosha / Wax ka ogow saaxiibbada naafada ah ee booqday 50 magaalo!

Wax ka ogow saaxiibbada naafada ah ee booqday 50 magaalo!

Himilo – Waxay fuuleen buuro dhaadheer sida Himalayas iyaga oo booqday beeraha waaweyn ee Afrika islamarkaana ku damaashaaday goobaha dalxiiska ee 50 magaalo.

Waa Danilo Ragona iyo Luca Bayardi oo u dhashay Talyaaniga oo ku socda kuraasta naafada balse ku guuleystay inay socdaal ku soo maraan meelo badan oo caalamka ah.

Saaxiibtinimada Danilo iyo Luca ayaa ka bilaabatay magaalada Torino ee Talyaaniga muddo immika laga joogo 20 sanno kaddib shil dhaawac ka gaarsiiyay lafdhabarta.

Waxay u muuqataa in dhacdada xannuunka badan beddashay nolosha Danilo iyo Luca oo go’aansaday in aysan isdhiibin oo ay horay u socdaan.

Bogga viaggioitalia ayaa qoray sheekada labada nin oo ku jira da’da afartameeyada isaga oo soo qaatay tijaabooyinkooda socdaalka oo ay ka bilaabeen Talyaaniga illaa dalal kale oo dhowr ah.

Labada saaxiib ayaa doortay inay safraan iyaga oo u arka inay tahay tijaabo ay ku baranayaan casharro badan islamarkaana fursad u siineysa inay la kulmaan dad kala duwan oo u saaxiib ah dhaqamo kala ceyn ah.

Tan iyo sannadkii 2015-ka, waxay si wadajir ah u booqdeen 50 magaalo oo Talyaaniga ku yaalla iyo dalal kale oo caalamka ah sida Kenya, Hindiya iyo Brazil. Safarka waxa uu uga dhigan yahay fursad ay ku hormariyaan mashaariicdooda.


About Mahad Mohamed

2 comments

  1. All cell types produce prostaglandins and most cell types respond to prostaglandins in different ways is there a generic cialis available Liu and coworkers 7 suggested that the LEPR Q223R polymorphism might be implicated in the development of breast cancer in East Asians and PON1 L55M might increase breast cancer risk

  2. Thats why when you search OL UK first hit is predator nutrition propecia online Finally, some of the subset analyses resulted in small cell sizes, making it difficult to state unequivocally that there is no association across all subgroups

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan