Home / Deegaan / Wax ka ogow sababta loo iibinayo gobal ku yaala Mareykanka?

Wax ka ogow sababta loo iibinayo gobal ku yaala Mareykanka?

Himilo FM –Dalka Mareykanka, kumanaan qofood ayaa falcelin ka sameeyay warqad furan oo lagu iibinayo gobalka Montana ee dhaca waqooyiga dalkaasi si deymaha dalka lagu leeyahay loo yareeyo.

Wrageyska Time ee Mareykanka ka soo baxa ayaa sheegay in 12 kun oo qofood inay saxiixeen warqadda furan xilli deymaha dalka lagu leeyahay gaareen 22 Triliyoon bishan Febraayo.

Warqadda furan oo lagu soo bandhigay bogga Change.org ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu wajahayo culeysyo xooggan oo xagga deymaha ah islamarkaana gobalka Montana uu caan ku yahay keliya xayawaanada ku nool.

Dad badan oo kamid ah kuwa qalinka ku duugay warqadda ayaa noqday dadka deggan gobalka la beecinayo.

Su’aalo badan ayaa ka dhashay arrintan, waxaa kamid ah sababta loo iibin la’yahay gobalka Alaska oo aan ku xerneyn Mareykanka intiisa kale.

Mas’uuliyiin badan ayaa sheegay in xaaladaha ka taagan Montana abuurayaan aragtiyo keenaya in lala barbar dhigo Canada oo loo maleynayo inay tahay musharraxa iibsan kara.

Montana waxay dhacdaa xuduuda Mareykanka uu la leeyahay Canada, waxaa ku nool inka badan 1 Milyan oo qofood iyadoo badkeedu yahay 380 Kun oo km.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan