Himilo FM –Baaritaan cusub ayaa muujiyay shaqooyinka loogu xushamadda badan yahay caalamka oo dhan iyadoo arrintan isbadal uu ku imaan karo wakhti kasta.
Hay’adda Varki ayaa sameysay ra’yi uruurin laga qaaday muwaadiniinta 35 dal oo la weydiiyay shaqooyinka cajab geliya islamarkaana ay u hayaan ixtiraam badan.
Natiijada ra’yi uruurinta ayaa tilmaamtay in dhaqtarka uu yimid booska koobaad ee shaqooyinka loogu xushmadda badan yahay dunida oo dhan.
Waxaa kaalinta labaad yimid qareenka, Injineerka guryaha dhisa waxa uu soo galay booska seddexaad halka maamulaha dugsiga uu fariistay kaalinta afaraad.
Khubarada ayaa u arka inay isbadali karto qiimeyntan mustaqbalka dhaw iyadoo Robotyada qabanayaan immika shaqooyinka bini’aadamka.
Warbixin la soo saaray sannadkii 2018 ayaa lagu sheegay in 50% shirkadaha caalamka inay qorsheynayaan inay yareeyaan shaqaalahooda marka la gaaro sannadka 2022 so looga faa’iideysto shaqooyinka Robotyada.