Home / Arrimaha Bulshada / Wax ka ogow sheekada ninka xanaaneeya 2 Milyan oo balan baalis ah!

Wax ka ogow sheekada ninka xanaaneeya 2 Milyan oo balan baalis ah!

Himilo FM –Balan baalista waxaa lagu tiriyaa xayawaanada ugu quruxda badan si gaar ah kuwa xasharaadka, waxay leedahay qurux indho daraan-dar ah iyo midabo soo jiidasho leh.

Waxay balan baalista ku habboon tahay deegaan kasta laakiin waxay ku badan tahay keymaha iyo dhul beereedyada.

Jaceylka uu u qabo balan baalista ayaa ku riixay Eytosow Tuskada oo reer Jabaan ah inuu xanaaneeyo balan baalista islamarkaana uu u sameeyo matxaf lagu soo bandhigo qeybaha kala duwan ee xasharaadkaasi.

Mr Tuskada ayaa sheegay in balan baalista naadirka ah tahay mid qaali ah isaga oo booqday boqol dal si uu u soo uruuriyo.

Xilligan, ninka reer Jabaan waxa uu xanaaneeyaa labo milyan iyo shan boqol oo kun oo balan baalis laakiin inyar ayuu markasta ka soo bandhigaa.

Waxa uu intaa raaciyay Mr Tuskada in hal balan baalis oo lagu soo bandhigay xaraash lagu qabtay Paris uu ku iibsaday lacag dhan 50 kun oo doolar.

Carafta mooska ayuu rumeysan yahay Tuskada in balan baalistu jeceshahay. Tan iyo billowgii howshan, waxaa kaga baxay kharash dhan 40 Milyan oo doolar oo uu ku iibsaday balan baalis mar la arag ah.

About Mahad Mohamed

One comment

  1. 2021 Sep; 31 9 801 802 viagra pills for women famotidine ventolin salbutamol harga Data Elite won t be the first entrant specialized in bigdata

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan