Home / Cayaaro / Wax ka ogow taariikhda ciyaaryahan Cabdi Casiis Kaluu

Wax ka ogow taariikhda ciyaaryahan Cabdi Casiis Kaluu

Himilo – Cabdi Siidoow Maxamed Kaluu waxa uu ku dhashay degmada Waaberi sannadkii 1956-kii, waxa uu dugsiga Qur’aanka ku dhammeeyay isla xaafadaasi kaddib waxa uu ku biiray iskuulka Macallin Jaamac isaga oo ka gaaray illaa iyo fasalka 8aad.

Kaddib waxa uu go’aansaday inuu ku biiro dhinaca kubadda cagta oo uu aad u jeclaa isaga oo kamid noqday dhallinta bacaadka gaar ahaan ciyaalka Isbartiibo Weekiyo, wixii intaasi ka danbeeyay Kaluu ayuu u tillaabay ciyaatoyda degmada Waaberi kaddib markii uu soo bandhigay ciyaar wanaag aad loogu riyaaqay.

Sannadkii 1973-kii Kaluu ayaa kamid noqday kooxda Gaadiidka isaga iyo Maxamed Xaaji Abraar oo xilligaasi kamid ahaa degmada Boondheere, waxaa u sahlay kusoo biiristiisa kabtankii ugu horreeyay xulka qaranka kabtan Shoongale, waxaana goortaasi tababare u ahaa naadiga Gaadiidka ama Otabaarko macallin Faarax Goraf.

Cabdi Casiis Kaluu oo lagu tilmaamo in uu safka hore kaga jiray jiilkii ugu wanaagsanaa ee xirta maaliyadda qaranka ayaa markii ugu horreysay u saftay xulka sannadkii 1978-kii isaga oo kamid ahaa ciyaartoyda yaryarka ee lagu furay Istaadiyow Muqdisho iyaga oo la ciyaaray koox ka socotay dalka Shiinaha.

Wixii intaasi ka danbeeyay waxa uu ahaa shumac ay iftiinsadaan dadka xiiseeya kubadda cagta Soomaaliya, dhammaadka sannadkaasi Kaluu ayaa lagu daray xulka qaranka waa weyn isaga oo ciyaartii ugu horreysay la ciyaaray xulka Tanzaaniya, intii uu xirnaa maaliyadda qaranka waxa uu kasoo ciyaaray dalal badan sida Kenya, Zanzibaar, Zambia iyo Tanzania.

Sannadkii 1980-kii, Cabdi Casiis ayaa go’aan ku gaaray in uu soo gabagabeeyo gabi ahaan dheesha kubadda cagta sababo qoys darteed isaga oo ka tegay kooxdii soo barbaarisay ee Gaadiidka oo uu u ciyaarayey ku dhawaad muddo 8 sanno.

Muddo oo uu garoomada ka maqnaa Kaluu ayaa dib ugu soo laabtay kubadda cagta kaddib markii dalabyo dhowr ah ay u gudbiyeen Muxidiin Canbar iyo Muxidiin Jabaan isaguna ugu danbeyn waa uu ka aqbalay waxa uuna kala mid noqday naadiga Waxool oo ay iyagu ka tirsanaayeen balse keliya hal qeyb ayuu u ciyaaray Waxool intii u dhaxeysay 1981-82.

Kaluu ayaa sheegay inay jiraan ciyaartoy uusan ilaabi karin waxqabadkooda ciyaareed, kuwii uu xusay waxaa kamid ahaa  Jimcaale Maxamed, Shiiqaalow iyo Dheemanka Madoow.

Intuu uu garoomada ku jirey Cabdi Casiis Kaluu waxa uu ku guuleystay hal koob oo ah kan munnaasabadaha, balse waxaa lagu tilmaamaa mid kamid ah khadkii dhexe ee ugu wanaagsanaa ee soo mara kubadda cagta Soomaaliya isaga oo kooxda iyo qaranka u xirna tirsaga 8. Ugu danbeyn waxa uu kubadda cagta soo gabagabeeyay sannadkii 1982-kii.

W/Q: Maxamed Xasan Maxamed “ Owen”

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan