Home / Macluumaad / Wax ka ogow taariikhda masjidka Sulejmanija ee Bosnia

Wax ka ogow taariikhda masjidka Sulejmanija ee Bosnia

Himilo FM –Dhismaha Masjidka taariikhiga ah ayaa kamid ah kuwa aad loogu heelanaa dib-u-qaabeyntiisa. Qaab-dhismeedka quruxda badan iyo astaantiisa ka turjumeysa hab-dhismeedkii Cusmaaniyadda ayaa soo jiidanaya indhaha bulshada Bosnia iyo dalxiisayaasheeda.

Waa Masjidka kaliya, gudaha Bosnia, oo minaaraddiisu ay ka taagan tahay midigta. Sannadkii 1757 ayaa dhidibada loo taagay; waxaase mar kale dayac-tir lagu sameeyey sannadkii 1815 markii uu dab qabsaday.

Burburkii lagu hayay isir-sifeyntii looga gollahaa gumaadka Bosnia ayaa lagu dumiyay dhismayaal badan oo Islaami ah markii uu socday Xasuuqii Muslimiinta Bosnia intii u dhaxeysay 1992-95.

“Mar kale furitaanka Masjidka Sulejmanija waxaa ka marqaati kacay dadweynaha iyo culimada reer Bosnia oo dhan,” ayuu yiri weriye katirsan Anadolu Agency.

Islaamka ayaa ah diinta ugu weyn gudaha dalka Bosnia. Taniyo sannadkii 1992 oo ku beegan madax-bannaanidii Bosnia, dalkani wuxu noqday kan loogu booqashada badan yahay gobalka Balkan kaas oo sidoo kale la saadaalinayo inuu noqon doono midka saddexaad ee loogu dalxiis badnaan doono caalamka marka la gaaro 2020.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan