Himilo FM – Tirada dadka Shiinaha ayaa la filayaa inay gaarto 1.44 Bilyan oo qofood sannadka 2029 kahor inta aysan bilaaban muddo xileed uu dib u dhac imaan doono, sida laga soo xigtay warbixin dowladda soo saartay.
Xarunta cilmiga arrimaha bulshadda ee Shiinaha ee magaceeda loo soo gaabiyo CASS ayaa daraasad ku sheegtay in dalka u baahan yahay inuu qaato siyaasad lagu xalinayo tiro yarida awooda shaqeysa iyo kororka dadka da’da ah.
Sanadkii 2015, dalka ugu dadka badan caalamka ayaa soo gabagabeeyay siyaasadda “ Halka cunug iyo qoys kasta” si xal loogu helo hoos u dhaca awooda shaqeysa iyo kororka dadka waaweyn.
Daraasadda xarunta cilmiga iyo arrimaha bulshadda ee CASS ayaa muujisay hoos u dhaca awooda shaqeysa ee Shiinaha iyadoo dhalmo yarida ay sii xumeysay arrinta.
Bartamaha qarnigan, waxaa la filayaa in tirada dadka Shiinaha hoos uga dhacdo 1.36 Bilyan, taasi oo ka dhigan hoos u dhac 200 Milyan oo ah awooda shaqeysa.
Haddii dhalmo yarida Shiinaha sii socoto, tirada shacabka dalkaasi waxay hoos uga dhacaysaa 1.17 Bilyan marka la gaaro sanadka 2065.
Baaritaanka ayaa sidoo kale tilmaamay kororka dadka ku tiirsan dad kale. Daraasado hore ayaa qeexay in shacabka dalkaasi gaar ahaan dadka da’da weyn inay gaari doonaan 400 Milyan marka la gaaro sanadka 2035 iyaga oo ka kici doona 240 Milyan oo qofood.