Home / Cayaaro / Wax ka ogow toddobada saxiix ee ugu qaalisanaa Newcastle United

Wax ka ogow toddobada saxiix ee ugu qaalisanaa Newcastle United

Himilo -Kooxda Newcastle ayaa jabisay rikoorkeedii suuqa kala iibsiga ee ay kula soo wareegtay weeraryahanka reer Brazil Joelinton oo ay kala soo wareegeen Hoffenheim. £ 40million ayaa la sheegay inuu ugu fadhiyo Magpies.

Haddaba waa kuwee toddobada saxiix ee ugu qaalisan Newcastle United

Joelinton (oo ka yimid Hoffenheim, £ 40million, 2019)

22 sano jirkan ayaa ogلolaaday heshiis lix sanno ah oo uu ku joogayo garoonka St James ‘Park kadib markii uu dhaliyay 11 gool 35 kulan uu u saftay Hoffenheim xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay. Joelinton ayaa u saftay xulka Brazil ee da’dooda ka yar tahay 17 jirrada wuxuuna joogay Jarmalka tan iyo sanadkii 2015, isaga oo qaab ciyaareed wanaagsan ku soo bandhigay xiligii uu ammaahda ku joogay Rapid Vienna.

Miguel Almiron (oo ka yimid Atlanta United, £ 21million, 2019)

25 jirka khadka dhexe ee weerarka ka ciyaara ayaa ku biiray kooxda Rafael Benitez bishii Janaayo.

Michael Owen (Real Madrid, £ 16million, 2005)

Newcastle ayaa meesha ka saartay afgambi lala maaganaa si ay u soo xerogeliso weeraryahanka reer England inkasta oo ay xiiseynayeen kooxdiisii hore ee Liverpool, Owen ayaa dhaliyay keliya 26 gool oo horyaalka ah kooxdiisa intii lagu guda jiray mudada afarta sanno ah.

Alan Shearer (Blackburn, £ 15million, 1996)

Shearer wuxuu ahaa Premier League iyo xulkaba xiddig caalami ah markii uu fuliyay riyadiisa carruurnimada isagoo ku biiray kooxda ka dhisan magaaladiisa ee Newcastle heshiis rikoor ah xilligaasi. Wuxuu noqday gooldhaliyaha ugu sarreeya kooxda 206 gool 405 kulan oo uu u saftay.

Georginio Wijnaldum (PSV Eindhoven, £ 14.5million, 2016)

Xiddiga khadka dhexe ee reer Holland ayaa qaab ciyaareed wanaagsan ku qaatay xilli ciyaareedkiisii keliya ee St James ‘Park, isagoo ciyaaray 38-dii kulan ee Premier League oo uu dhaliyay 11 gool ka hor inta aysan Liverpool ku  iibsan 25 milyan ginni.

Aleksandar Mitrovic (Anderlecht, £ 14million, 2015)

Newcastle ayaa la soo wareegtay weeraryahanka da’da yar ee reer Serbia heshiis shan sanno ahna u saxiixay , waxa uu ku soo jiitay keliya markii uu si  joogta ah booskiisa u ciyaaray ka hor inta uusan ammaah ugu biirin Fulham bishii Janaayo 2018, taasi oo markii danbe si rasmi ah ugu biiray.

Florian Thauvin (Marseille, £ 13million, 2015)

Xiddiga garabka ka ciyaara ee Faransiiska ayaa si heer sare ah isu muujiyay laakiin wuxuu caddeeyay in uu yahay  flop weyn oo macallin  Steve McClaren la kulmay.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan