Home / Caruurta / Wax ka ogow tuulada ku taalla Jabaan oo aysan ku nooleyn carruur

Wax ka ogow tuulada ku taalla Jabaan oo aysan ku nooleyn carruur

Himilo- Carruurta waa quruxda dunida laakiin tuulo ku taalla Jabaan nasiib uma yeelan inay yeelato dhallaan tan iyo muddo 18 sanno ah.

Ku dhawaad 20 qofood ayaa ku nool tuulada Nagoro oo ku teedsan jasiiradda Shikoku ee dalka Jabaan. Dadka deegaan ayaan fursad u helin inay arkaan carruur muddo dheer.

Dugsiyada carruurta ayaa la xeray sannadkii 2012-ka xilligaasi oo ahayd markii ay labadii cunug ee ugu danbeysay ka baxeen fasalka lixaad.

Tsukimi Ayano oo kamid ah dadka tuulada ayaa ku fekertay inay sameyso xal ku saabsan dhibaatada carruur la’aanta. Waxay ka badin weyday inay tuulada keento boonbilo carruureed sida uu qoray wargeyska New York Times.

Haweenayda 70 jirka ah ayaa tuulada ku soo kordhisay 350 boonbilo carruureed oo la dhigay dugsiyada waxbarashada si loo muujiyo baahida tuulada ee dhallaanka.

“Ma aanan arag carruur muddo, waxaan rajeynayaa in aan helno dhallaan yaryar, tani waxay nagu beeraysaa farxad,” ayay tiri Tsukimi Ayano.

Waxay inta raacisay “Tuulada ma jiran fursado shaqo, da’yartana ma awoodaan inay qaadaan mas’uuliyadda qoyska.”

Jabaan ayaa ka cabanaysa dadka da’da ah oo ka tiro badan dhallinyarada, gaar ahaan deegaanada miyiga oo ay ku yar yihiin fursadaha shaqada.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan