Home / Macluumaad / Waxa la geliyay sanduuqii maydka, balse waxa la ogaaday inuu noolyahay!

Waxa la geliyay sanduuqii maydka, balse waxa la ogaaday inuu noolyahay!

Muqdisho – Sida laga soo xiganayo warbaahinta dalka Spain waxa dib neeftiisa u helay maxbuus saddex dhaqtar isaga marqaati kaceen geeridiisa oo lagu riday sanduuqa maydka.

Gonzalo Montoya Jimenez, oo ahaa maxbuus ku jiray xabsiga degmada Asturias, ayaa soo laabtay saacado miyir-daboolnaan ah kaddib markii lagu dhawaaqay dhimashadiisa.

Taqaatiirta deegaanka ayaa isku diyaariyay fulinta qalliin baaritaan oo lagu ogaanayo sababta geeridiisa, hayeeshee waxa dhacay taa dhigeeda oo waxa la ogaaday inuu noolyahay.

Jimenez ayaa hadda ku jira qaybta daryeelka degdegga ee Isbitaalka Oviedo oo kolkii horaba ku hawlanaa hawshiisa.

Wargeyska La Fusta de Asturias ayaa ka soo xiganaya eheladiisa in dhaqaatiirtu markii ay isku diyaariyeen qalliinka ay ka shakiyeen jirkiisa kaddibna sidaas lagu ogaaday inuusan wali dhiman.

Ilo wareedyo Isbitaalka ka ag dhaw Spanish TV ayaa sheegay in uu suuxay Gonzalo, taas oo suragelisay in uu lumiyo dhammaan dareemadiisa, waxana hoos u dhacay calaamad walba oo muujin laheyd nolashiisa.

Saddex kamid ah dhaqaatiirta sarsare ee Jeelka ayaa isaga marqaati kacay kolkii hore geeridiisa, waxa ayna amar ku bixiyeen in maydkiisa tallaajadda la geliyo si loogu sameeyo baaritaan dheeraad ah.

Iminka waxa la geeyay jirkiisa Mac-had caafimaad oo ku yaala Magaalada Oviedo, waxa ayna dhacdadaas noqotay murugo u danbeysay farxad.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan