Home / Habka-Nolosha / Waxa uu ku guuleystay bakhtiyaa nasiib balse waxaa la qeybsaneysa xaaskiisa hore!

Waxa uu ku guuleystay bakhtiyaa nasiib balse waxaa la qeybsaneysa xaaskiisa hore!

Himilo – Muddo labo sanno ah kaddib oo ay kala tageen xaaskiisa, nin Mareykanka u dhashay ayaa ku guuleystay bakhtiyaa nasiib ku kacaya qiimo dhan 80 Milyan oo doolar.

Nasiibka ninka ayaa noqday mid kala dhiman kaddib markii maxkamad ku taalla Chicago amartay in uu kala bar lacagta siiyo xaaskii ay kala tageen si xal looga dhigo furriinka.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Fox News, Richard ayaa furay Maria labo sanno kahor inta uusan ku guuleysan bakhtiyaa nasiibka sannadkii 2013

Maxkamadda ayaa u aragtay guusha ninka ee bakhtiyaa nasiibka Mega Millions inay kamid tahay hantidiisa, sidaa darteed ay la qeybsaneyso xaaskiisii hore.

Qareenka Richard ayaa u muuqda in uu ku guuldareystay in uu difaaco wakiilkiisa si aan loola qeybsan lacagta uu nasiibkiisa ku helay.

“ Richard waa nasiib badan yahay, waxa dhacay waa nasiibkiisa ee ma aha nasiibka Maria,” ayuu yiri qareenka.

Hantida nadiifka ah ee u soo hartay Richard ayaa lagu qiyaasay 38.9 Milyan oo doolar markii laga jaray canshuurta, sidaa darteed waxay Maria helaysaa lacag ku dhaw 15 Milyan oo doolar.

Ninka Mareykanka ayaa racfaan ka qaatay go’aanka maxkamadda oo ay mar danbe taageertay maxkamad kale.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan