Home / Cayaaro / Weeraryahanka Man City Gabriel Jesus oo laga doonayo Spain

Weeraryahanka Man City Gabriel Jesus oo laga doonayo Spain

Himilo- Weeraryahanka Manchester City Gabriel Jesus ayaa bartilmaamed  u ah  naadiga reer Spain ee  Real Madrid.

Inkastoo Jesus  dhaliyay 49 gool tartamada oo dhan tan iyo markii uu u saxiixay kooxda ka dhisan Premier League 2016, ciyaaryahanka reer Brazil waligiis boos rasmi ah kama uusan helin safka koowaad.

22 jirka ayaa si cad u qirtay inuu doonayo daqiiqado badan oo kooxda koowaad ah, halkii uu ka ciyaari lahaa booska labaad ee halyeeyga kooxda Sergio Aguero.

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Spain, Real ayaa billawday inay kormeeraan xaaladda iyagoo ka fekeraya xoojinta xulashooyinka seddexaad ee ugu dambeeya.

Weeraryahanka muddada dheer Karim Benzema ayaa da’diisu noqonaysaa 32 sanno jir bisha Decembar, halka imaatinka xagaaga ee Luka Jovic aan wali lala dhacsaneyn tan iyo markii uu lacag badan uu kaga soo wareegay Eintracht Frankfurt.

Jesus weli qandaraaskiisa waxaa uga harsan afar sanno oo kaga dhiman Etihad Stadium.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan