Muqdisho – In kasta oo kooxda Chelsea hoggaanka ku heyso 7 dhibcood, hadana macalin Arsen Wenger ayaa rumeysan in lixda kooxood ee safka hore kaga jira loolanka hanashada horyaalka England PL ay wiilasha Conte ka fara maroojin karaan hoggaanka.
Macalin Wenger ayaa la yaabay loolanka kulul ee loogu jiro horyaalka PL ee xagaagan.
Iyada oo kooxda hoggaanka heysa ay 12 dhibcood ka fog tahay kooxda ku jirta booska lixaad, hadana United-ka ayaa u muuqda kuwo halgan muuqda ugu jira tiigsiga kaalinta koobaad.
Wenger oo kooxdiisu ku jirto kaalinta afaraad ayaa xusay inuusan xagaagan oo kale soo marin.
“Waa markii ugu horreysay 20-kayga sano ee England inaan arko lix koox oo loolan adag ugu jira hanashada koobka,” ayuu ninka Faransiiska ahi u sheegay warsidayaasha UK.
“Chelsea wali waxay leedahay rajo. Hayeeshe kuwa kusoo xigana ma raja xuma.”
“Markii aad hareeraha fiiriso, koox kasta way halgamaysaa, waxay diiradda saaraysaa guul.”
Arsenal ayaa ciyaartii ugu danbeysay 4-0 kaga adkaatay kooxda Swansea iyada oo ciyaarta xigtana la yeelan doonta kooxda Burnley maalinta Axadda ah.