Home / Habka-Nolosha / Wenger: “Giroud wali waan u baahan nahay.”

Wenger: “Giroud wali waan u baahan nahay.”

Muqdisho – Arsene Wenger ayaa sheegay inuu u baahan yahay Oliver Giroud xilli lala xiriirinayo inu ka tegi doono kooxda Arsenal.

Xiddiga Faransa ayaa 39 kulan u saftay xagaagii dhamaaday naadiga hayeeshe kaliya 11 kulan ayuu kusoo bilowday garoomada.

Alex Sanchez ayaa ka ciriirsaday booskiisa. Goal ayaana dhawaan shaacisay in West Ham ay kamid tahay kooxaha u hanqal taagaya hanashadiisa adduun dhan £20 million, hayeeshe Wenger ayaa ku ad-adag in 30-jirkan uu wali qeyb ka yahay qorshihiisa ballaaran.

Wuxuu u sheegay warfidiyeenka: “Xilligii dhamaaday wuxuu u ahaa mid adag, maadaama uusan in badan ciyaarin.”

“Markuu si fiican u ciyaarayna lama siini fursad xigta.”

“Wuxuu tayo muhiimsan u leeyahay guulaha kooxda, waqtiyo badan ayuuna kooxda samata-bixiyay.”

Giroud ayaa shan xagaag ku qaatay gudaha gegida Arsenal ee Emirates taniyo sanadkii 2012. Wuxuuna si joogto goolal ugu dhaliyay kooxda waqooyiga London.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan