Home / Habka-Nolosha / Wenger: “Ma ogi waxa ka qaldan Ozil.”

Wenger: “Ma ogi waxa ka qaldan Ozil.”

Muqdisho – Arsen Wenger ayaa ugu yeeray Ozil inuu dib u bilaabo dardartiisa gool-dhalinta – isaga oo rumeysan in laacibkiisa reer Jarmal uu la’yahay kalsooni.

28-jirkan ayaan si fiican uga soo dhex muuqan kulankii ay kooxdu 2-0 ku suldaartay naadiga Hull City tiiyoo ay jiraan warar tibaaxaya in macalin Wenger uu keydka gelin doono kulanka ay kooxdu la dheeli doonto Bayern Munich ee katirsan Champion League.

Isaga la hadlayay war-fidiyeenka, Wenger wuxuu tilmaamay in Ozil uusan ku sugneyn sifadii hore ee lagu yiqiin.

“Waa waqtigii uu dardar-gelin lahaa gool-dhalintiisa,” ayuu yiri Wenger kadibkii guusha uu labadeeda goolba dhaliyay Sanchez.

“Laga yaabee inuu dib u helo kalsoonidiisa, waayo wuxuu iska lumiyaa fursadaha.”

Wenger wuxuu qirtay inuu la walaacsan yahay bandhiga laacibkiisa, hayeeshe wuxuu sheegay inuu xaaladda kala hadlay.

“Ma ogi. Way dhici kartaa,” ayuu yiri. “Mana garan karo sabab muuqata. Jimcihii ayay ahayd markii aan lahadlay.”

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan