Home / Habka-Nolosha / Wenger: “Madhacayso inaan howlgab noqdo xagaaga soo aadan.”

Wenger: “Madhacayso inaan howlgab noqdo xagaaga soo aadan.”

Muqdisho – Macalinka Arsenal, Arsen Wenger ayaa sheegay inuu kusii jiri doono tababare-nimada kubadda cagta xagaaga soo aadan in kasta oo uusan xaqiijin inuu ku qaadan doono gegida Emirates.

67-jirkan ayaa Arsenal ku sugnaa muddo 21 sanadood ah – iyada oo heshiiska uu naadiga kula joogo gabagabo yahay, ma muuqato sansaan cusub oo lagu hubsan mustaqbalka Wenger ee Arsenal.

Waxaa isasoo taray wararka tibaaxaya cadaadiska ku yimid tegitaankiisa maadaama naadiga aysan sii tiigsanin kala sarreynta hore ee kooxaha PL – taasina waxaa sii dheer guushii qaraareyd ee ay kala soo noqdeen dhinaca Bayern Munich oo gurigeeda kusoo suldaartay 5-1.

Macalinka reer Faransa ayaa Jimcihii ku adkeystay inuusan howl-gab noqoneyn hayeeshe ma xaqiijinin haddii uu kusii nagaanayo kooxdiisa iyo in kale.

“Dhib malahan wixii dhaca. Waxaan kusii jiriyaa shaqadeyda.”

Waxaan heystaa fursado badan oo aan ku aadi karo meelo la iiga gacan-haatinayo, hayeeshe waxaan ka warwarayaa mustaqbalka kooxdan, waana muhiim inay gacan badqabta ay gasho.”

Wenger ayaa intii uu joogay Arsenal kula guuleystay koobab dhowr ah sida saddax kamid ah horyaalka England PL.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan