Muqdisho – Arsene Wenger ayaa huba in Arsenal aysan koox kala dhisan horyaalka PL England oo ay loolamaan ka iibin doonin laacibka Alexis Sanchez.
Laacibka xulka qaranka Chile waxaa si weyn loola xiriirinayaa inuu ka dhamaan doono gegida Emirates – tiiyoo heshiisku uu galay 12-kii bilood ee ugu danbeeyey.
Manchester City ayaa la sheegayaa inay tahay kooxaha ugu hanqal-taaga badan saxiixa laacibka Sanchez kaas oo mar macalin Pep Guardiola kala soo shaqeeyey kooxda Barcelona.
Macalin Wenger ayaana rumeysan in laacibkan 28-jirka ah uu ku negi ahaan doono gegida – haddii kalana aysan suura-gal noqoneyn in laga iibiyo koox ka dhisan England.
Wuxuu war-fidiyeenka ku yiri: “Uma maleynayo in laga iibiyo kooxda ka dhisan horyaalka England PL; taasi waa hubanti.”
“Way dhici kartaa tani inay la timaado su’aalo badan oo la xiriira sababta aan looga iibineyn koox PL ka dhisan. Waayo mar kasta waa inaad noqotaa sida adag ee aad noqon karto, maya inaad xoojiso tayada kooxaha kula loolamaya.”
“Haddii uusan saxiixin heshiis, waxaan ku heyn doonaa gegida Emirates – halkii aan ka iibin laheyn koox ka dhisan horyaalka England.”
“Hayeeshe war iyo dhamaan, wuu ku faraxsan yahay halkan. Go’aankiisuna waa inuu ku sugnaado gegida. Taasi waa sida qotada dheer ee aan rumeysanahay.”
Alexis ayaa dhamaan kulamadii uu xagaagan u dheelay naadiga wuxuu shabaqa dhigay 22 goolal. Isaga oo si weyn uga dhex muuqday kulankii afar-dhamaadka FA Cup-ka oo ay Manchester City kula ciyaareen Wembley