Home / Habka-Nolosha / Wenger oo raali-gelin ka bixiyay ganaax la saaray

Wenger oo raali-gelin ka bixiyay ganaax la saaray

Muqdisho – Macalinka naadiga Arsenal ayaa laga ganaaxay ku dhawaad afar kulan oo katirsan England FA Cup kadib markii uu gacmaha ula tagay sarkaalka afaraad Anthony Taylor mar lagu jiray ciyaar u dhaxeysay Arsenal iyo Burnley.

Xiriirka Kubadda-cagta ayaa sidoo kale macalin Wenger dul-dhigay lacag dhan 25,000G ganaax ahaan inuu u bixiyo.

Arsenal ayaan u muuqan inay racfaan ka qaadaneyso ganaaxa la saaray macalinkooda.

Hayeeshe Wenger ayaa wareysi uu siiyay warfidiyeenka, wuxuu falkan ku tilmaamay mid uusan ugu tala-galin. Wuxuuna ka bixiyay raali-gelin.

“Waan ka qoomameeyey wax walba,” ayuu yiri Wenger. “Waxaa igu habbooneyd inaan iska aamuso: kana dhaqaaqo gegida oo dhan – waxaan ka bixinayaa raali-gelin wixii dhacay.”

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan