Home / Habka-Nolosha / Wenger oo Sanchez ku bogaadiyay hal-adeygnimadii uu ku ciyaaray kulankii Sunderland.

Wenger oo Sanchez ku bogaadiyay hal-adeygnimadii uu ku ciyaaray kulankii Sunderland.

Muqdisho – Arsen Wenger ayaa aad u bogaadiyay go’aankii Alexis Sanchez uu ugu danbeyn kaga mid noqday laacibiinta saftay kulankii ay 2-0 kaga adkaadeen Sunderland – xilli laacibkani dhaawac fudud uu ka qabay jilibka.

Weeraryahanka xulka Qaranka Chile ayaa shaki laga muujinayay haddii uu kamid noqonayo xulka hore ee macalin Wenger kusoo bilaabi doono ciyaartii ay gurigooda ku marti-geliyeen Sunderland.

Laakiin go’aanka Wenger uu ka qaatay Sanchez ayaa ka dhigtay in laacibkani rajada naadiga ee booska afaraad uu soo nooleeyo – isaga oo dhaliyay goolashii ay kooxdu ku badisay.

“Waxaan go’aanka gaaray 4:00 galabnimo inaan Sanchez ku daro kulanka,” ayuu Wenger u sheegay war-fidiyeenka kadib ciyaarta.

“Marka uu garoonka soo galaba, wuxuu helaa karti – wuxuuna u dheelaa sida qof qeyrul-caadi ah. Wuuna hilmaamaa xanuunka.”

“Haddii la qiimeeyo tayadiiisa, waxaan xaqiiqo ah inuu kusoo baxay laacib. Waqtina kagama lumin halkan ee wax badan ayuu faa’iiday.”

Labadii gool ee Sanchez ka dhaliyay Sunderland ayaa wadarta goolasha uu dhaliyay xagaagan ka dhigaysa 23 gool.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan