Home / Habka-Nolosha / Wenger oo sheegay inuu ka helo laacibka Riyad Mahrez.

Wenger oo sheegay inuu ka helo laacibka Riyad Mahrez.

Muqdisho – Arsene Wenger ayaa qirtay inuu diyaar u tahay u dhaqaaqista weeraryahanka Leicester, Riyad Mahrez. Macalinka Arsenal ayaa ku fashilmay isku day uu taageero kaga rabay Jamie Vardy si uu u keeno gegida Emirates.

Hayeeshe laacibka xulka Qaranka Algeria ayaa sheegay inuu diyaar u yahay ka tegista naadiga horyaalnimada England PL hanatay xagaagii 2015-16 ee Leicester City.

U furnaan albaabadiisa xagaagan, Wenger ayaa BEIN sports u sheegay inuu diyaar u yahay inuu ka faa’iideysto.

“Wali tallaab uma qaadin xaggiisa,” ayuu yiri Wenger. “Hayeeshe qof ahaan, waan jeclahay laacibka, waxay ila tahay inuu door weyn ku lahaa sababtii ay ku hantiyeen horyaalnimada England PL.”

“Sida koox ama laacib kalaba, Leicester xagaagan wuxuu ku ahaa mid adag, laakiin taasi lama tagayso tayada laacibka.”

Wenger ayaa kol hore caddeeyey in labadan laacib ee Ozil iyo Sanchez ay ku nagaan doonaan kooxda xagaaga soo aadan – iyada oo ay jiraan warar sheegaya inay ka tagayaan naadiga.

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan