Home / Habka-Nolosha / Wenger: “Ozil iyo Sanchez waxay joogayaan Arsenal.”

Wenger: “Ozil iyo Sanchez waxay joogayaan Arsenal.”

Muqdisho – Macalin Arsen Wenger ayaa ku niyad weyn in Alexis Sanchez iyo Mesut Ozil aan idmi doonin inay ka tagaan gegida Emirates.

Mustaqbalka labadan laacibka ayaa ku jira hubaal la’aan tiiyoo heshiiska ay naadiga kula jiraan uu ku yimid sanadkii ugu danbeeyey.

Sanchez ayaa si weyn loola xiriirinayay naadiyada Manchester City iyo Bayern Munich – halka Ozilna la tilmaamay inuu ka dhaqaaqayo naadiga kadib markii ay ku guul-darreysteen kamid noqoshada kooxaha sanadka xiga u tartami doona tartanka Champion League.

Hayeeshe Wenger kaas oo heshiis laba sano ah la galay naadiga Arsenal ayaa sheegay inaan midna la iibin doonin kahor inta xagaaga xiga uusan bilaaban.

“Ugu horreyn waxay joogi doonaan kooxda, waxaana rajadu tahay in laga saxiixo heshiis cusub,” ayuu yiri Wenger mar la weydiiyay mustaqbalka labadan laacib.

Mar la hor-dhigay haddii ay ka tagayaan naadiga, wuxuu yiri; “No ma daciifin kartid naadiga iyo kooxdaba. Waxaad rabtaa inad xoojiso naadiga ilaa aad hesho laacib buuxin kara tayada boosaskooda, haddii ay doonaan inay tagaan.”

“Hadda sidaas uma foga arrintu. Waxaan rabnaa inaan labadooda ku heyno kooxda.”

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan