Muqdisho – Macalinka naadiga Arsenal, Arsen Wenger ayaa dareensan in laacibka Aaron Ramsey uu la siman yahay xiddigga Frank Lampard – waa haddii uu helo fursado joogta ah.
Ramsey, oo 26-jir ah, wuxuu 8 kulan ciyaareed oo kaliya u saftay naadiga dhaawacyo hareeyey awgeed.
Xidiga qaranka Wales ayaa dhaliyay 26 gool labadii xagaa ee lasoo dhaafay 2013-14 iyo 2014-15, hayeeshe wuxuu ku guul-darreystay inuu joogteeyo.
Macalin Wenger-na wuxuu tilmaamay inuu Ramsey uu ka dhex arko tayada laacibka Frank Lampard.
“Ani ahaan, Aaron waa nuuca ciyaaryahan ee sanadkii awooda dhalinta 10-15 goolal,” ayuu yiri. “Balse xagaagan wuxuu ahaa mid ku xun laacibka, dabcan dhaawacyada hareeyey ayaana sabab u ah.”
Arsenal ayaa isku diyaarinaysa afar-dhamaadka FA Cup oo ay la balansan tahay naadiga Manchester City xilli ay kusii jeedaan hanashada koobkan markii saddexaad muddo afar sano gudahood ah.
Ramsey ayaa ahaa geesigooda sanadkii 2014 – isaga oo u dhaliyay goolkii guusha oo daqiiqadihii dheeriga ahaa ay kaga adkaadeen kooxda Hull City.