Muqdisho – Macalinka cadaadiska ku jira ee Arsenal, Arsen Wenger ayaa sheegay inuu go’aan ka gaaray mustaqbalkiisa – dhawaanna uu ku dhawaaqi doono.
Wenger ayaa wajahay cadaadis kale oo dheeri ah kadib guul-darradii qaraareyd ee 3-1 ay ku lumiyeen dhinaca kooxda West Brom.
Waxaa wali is dabamaal ah wararka ku tiri-ku-teenta ah ee ku aadan joogitaankiisa taas oo hadba waji yeelaneysa taniyo markii Arsenal ay afar kulan ciyaareed oo xiriir ah oo katirsan shantii kulan ee ugu danbeysay laga badiyay.
West Brom ayaa guul lama filaan ah ka gaartay Arsenal taas oo ka dhigan inay cadaadiska macalin Wenger ku wajahan dabka kusii shidayso.
Heshiiska Wenger ayaa ku eg dhamaadka xilligan, in kasta oo uu isku dayay inuu falanqeeyo wararka ku aadan mustaqbalkiisa ee la isla dhex-marayo, hadana wuxuu shir uu qabtay ciyaarta kahor tilmaamay inuu go’aankiisa qaatay.
“Waan ogahay waxa aan qabsan doono mustaqbalka, idinkuna si dhaqso leh ayaad u ogaan doontaan,” ayuu yiri.
“Muhiim ma ahan inaan ka warwarno middaas. Waxaynu ku jirnaa saadaal adag oo ah tii ugu qaraareyd taniyo 20-kii sano ee aan leylinayay kooxda.”
Arsenal ayaa shan dhibcood ka hooseysa kooxda ku jirta booska afaraad ee Liverpool oo maanta la balansan Manchester City .
“Dhamaanteen waynu qaadaneynaa mas’uuliyadda. Waana niyad-jab weyn runtii. Wali naguma dhicin afar kulan oo guul-darrooyin xiriir ah shan kulan dhexdood, hayeeshe dib ayaynu u dagaallami karnaa.”
“Waxaan u baahannahay inaan dib isku abaabulno; diiraddana aan saarno ciyaaraha xiga waayo waxaa jira ciyaaro waaweyn.”
“Dib waynu u sixi karnaa qaladaadkii hore; waana ka gudbi karnaa. Taas waa inta uu ka dhamaanayo xagaaga inaynan is dhiibin.”