Home / Habka-Nolosha / West Ham oo adduun dhan £20 million ku doonaysa Giroud.

West Ham oo adduun dhan £20 million ku doonaysa Giroud.

Muqdisho – West Ham ayaa xiisaynaysa saxiixa laacibka Olivier Giroud ee Arsenal xagaagan kadib markii xiddigan u daahfuray inuu ka tegayo kooxda, sidaas waxaa fahamsan Goal.

Giroud ayaa 90 daqiiqo ka dhamaystay 4 kulan xagaagii 2016/17, in kasta oo uu dhaliyay 12 gool. Warar ayaana soo jeedinaya in macalin Arsen Wenger uu suuqa ugu jiro helidda weeraryahan, taas oo xiddigan ku qaadaysa inuu meel daydo.

Marka loo eego ilaha Goal ay helayso, kooxda Hammers-ka ayaa rumaysan in Giroud ku bixi karo adduun dhan £20 million – maareeye Slaven Bilic ayaana u diyaarinaya heshiis afar sano ah oo toddobaadkii ku kici doona adduun gaaraya £100,000.

Wada-hadal bilow ah ayaa dhex maray wakiilka laacibka iyo West Ham, waxaana laacibka loo badinayaa inuu dhaqaaq diyaar u yahay.

Giroud wuxuu door bidi lahaa inuu Arsenal isaga tago, waxaase la faham san yahay inuu xiisaynayo joogitaanka London.

West Ham ayaa kol dhow Manchester City kala soo wareegtay laacibka Pablo Zabaleta, waxayna kasii ugaaran doonaan suuqa xittaa haddii ay la saxiixdaan Giroud.

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan