Home / Habka-Nolosha / West Ham oo dooneysa inay ku guuleysato saxiixa Ibrahimovic

West Ham oo dooneysa inay ku guuleysato saxiixa Ibrahimovic

Sida uu sheegtay madaxa kooxda West Ham David Sullivan waxay indhaha ku hayaan sidii ay dhamaadka xagaaga ula soo saxiixan lahaayeen weeraryahanka PSG Zlatan Ibrahimovc.

Ibrahimovic ayaa isaga tegi doono PSG marka dhammaadka xagaaga uu soo idlaado qandaraaska uu kula joogo kooxda caasimadda Paris ka dhisan.

Zlatan ayaa sidoo kale mujiyay sida uu u xiiseynayo ku biirista horyaalka Ingiriiska, waana horyaal aanu weeraryahanka Sweden abid ka dheelin.

“Waxaan heysanaa liis ay inoogu qoran yihiin ilaa toban weeraryahan oo Yurub ka dheela, lacagta ugu badan ayaynu gelin doonnaa sidii aan weeraryahan ku keensan laheyn.” David Sullivian ayaa sidaa u sheegay TalkSPORT.

Masuulkan ayaana hadalkiisa sii raaciyay “Waxaan jeclaan lahaa Ibrahimovic inaan PSG ka keensanno, laakiin ma ogi inuu inoo imaan doono, keliya waxaan ogahay inuu 34 jir yahay, waana cajiib.”

Ibrahimovic ayaa xirfadiisa cayaareed u soo dheelay toddobo kooxood oo ay ka mid yihiin AC Milan, Barcelona iyo Juventus.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan