Himilo- Tababaraha cusub ee kooxda West Ham United David Moyes ayaa xaqiijiyay in kooxdiisa xiiseynayso khadka dhexe ee kooxda Benfica, Gedson Fernandes oo bartilmaameed u ah Manchester United.
Isaga oo hadlayay kahor ciyaarta FA Cup-ka ee West Ham la qaadaneyso Gillingham maalinta Axadda ah, Moyes ayaa yiri “Ma dhihi karo waxaan ku guda jirnaa wadahadalo qoto dheer, magaciisa waxa uu ku jiraa liiska ciyaaryahanno la xusay, haddii aan awoodno in aan xoojino safkeenna, waan jeclaan lahaa laakiin waxay noqoneysaa ciyaaryahanada aan u aragno inay habboon yihiin.”
Waxa uu intaa raaciyay “Haddii ay jiraan ciyaaryahanno la heli karo, shaki la’aan aniga iyo milkiilayaashaba waan eegi doonnaa.”
Fernandes ayaa ka soo muuqday sagaal kulan oo kooxda Benfica ah tartamada xilli ciyaareedkan oo dhan. Waxaa si weyn loola xiriirinayay in uu wareego garoonka Old Trafford.