Home / Cayaaro / West Ham United oo hoggaamineysa tartanka loogu jiro Batshuayi

West Ham United oo hoggaamineysa tartanka loogu jiro Batshuayi

Himilo – West Ham United ayaa loo badinayaa inay tahay kooxda ugu cad cad tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka Chelsea Michy Batshuayi.

Sida laga soo xigtay The Express, 26 jirka ayaa la soo warinayaa in uu u dhaqaaqayo garoonka London Stadium iyada oo lagu dalbanayo lacag dhan £40m.

Kooxda West Ham United ayaa eegeysa qiimaha lacageed ee cayaaryahanka xilli saameynta dhaqaale ee Karoona ay taagan tahay.

Warbixinnada ayaa tilmaamaya in Crystal Palace la dhacan tahay Batshuayi laakiin ma heysato dhaqaale badan.

Newcastle United ayaa noqon karta koox u tartanta cayaaryahanka haddii uu iibsado dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan