Home / Habka-Nolosha / West Ham United oo ku dhow soo xero-galinta laacibkii Man U Javier Hernandez.

West Ham United oo ku dhow soo xero-galinta laacibkii Man U Javier Hernandez.

Muqdisho – West Ham ayaa rajaynaysa in ay soo gabagabayso saxiixa Chichirito toddobaadkan kaas oo kaga imaanaya kooxda Bayer Leverkusen ee dalka Jarmalka, sida ay warinayaan ilo wareedyo ay heshay Sky.

Tababaraha Hammers-ka, Slaven Bilic ayaa doonaya in uu xoojiyo weerarkiisa kahor bilaabashada horyaalka. Sky Sports News ayaana fahantay in xiddigan heerka caalami ee reer Mexico uu ku dhow yahay ku biirista West Ham.

Hernandez oo shan sano ku qarasheeyey Manchester United intii u dhaxaysay 2010 illaa 2015. Qandaraaska uu kula jiro Leverkusen waxaa lagu burburin karaa £13Million oo Bound.

Hernandez ayaa dhaliyay 39 gool intii lagu jiray labo sano oo uu la joogay Leverkusen.  29 jirkaan ayaana noqon doona mid kamid ah weeraryahannada EPL-ka ee xagaaga 2017-2018.

Goolhayihii hore ee Manchester City, Joe Hart ayaa horraanba ka gudbay tijaabada caafimaadka ee Hammers-ka, waxaana kaga sii horreeyay Pablo Zabaleta oo isna kaga yimid Sky Blue.

Saaxirkii yaraa ee Sir Alex oo kamid ah weeraryahannada aadka looga jeclaa Old Trafford  ayaa mar kale lagu arki doonaa English-ka isga oo kahortagi doona kooxdiisii hore Manchester United, waase haddii uu dhamaystiro ku biirista kooxda West Ham United.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan