Home / Cayaaro / West Ham United oo u dagaalameysa Kalidou Koulibaly

West Ham United oo u dagaalameysa Kalidou Koulibaly

Himilo-m Kooxda West Ham United ayaa lagu soo waramayaa inay dadaal ugu jirto saxiixa difaaca kooxda Napoli Kalidou Koulibaly.

Ciyaaryahanka 28 jirka ah oo in muddo lala xiriirinayay in uu dhaqaaqi karo horyaalka Ingiriiska ayaa noqday mid kamid ah difaacyada ugu wanaagsan caalamka.

Man City, Man United, Chelsea iyo Tottenham Hotspur ayaa goor sii horreysay muujiyay xiisaha ciyaaryahanka oo kabtan u ah xulka qaranka Senegal.

Si kasta, marka la eego The Express, West Ham ayaa u muuqata tartame xooggan oo la wareegi kara ciyaaryahanka iyaga oo qorsheeyay inay kharash badan bixiyaan bishan.

Koulibaly oo seegay ciyaartii finalka ahayd ee Napoli kahor timid Sassuolo sabab la xiriirta dhaawac ayaa qandaraaskiisa kooxda ku egyahay 2023-ka.

West Ham ayaa hadda joogta booska 16aad ee horyaalka Ingiriiska, keliya labo dhibcood ayay ka sarreeyaan inay u laabtaan heerka labaad.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan