Home / Habka-Nolosha / West Ham United oo u dhaqaaqaysa hanashada Danilo Pereira.

West Ham United oo u dhaqaaqaysa hanashada Danilo Pereira.

Muqdisho – West Ham United ayaa lasoo warinyaa inay  doonayso soo xera galinta xiddiga kooxda Porto, Danilo Pereira.

Laacibka ay isku horyaalka yihiin ee William Carvalho ayaa qudhiisa la wariyay in uu £25m ugu dhaqaaqi karo West Ham toddobaadki lasoo dhaafay, kaas oo lala xariirinayay Premier League saddexdii sano ee lasoo dhaafay.

Si kastaba, sida ay warinayso The Mirror, heshiiska William Carvalho ayaa lagu kala booday kadib markii ay Sporting kor u qaaday lacagta ay ku doonayso laacibkeeda.

Wararka aya intaas ku dara in wali kooxda West Ham ay xiiseynayso laacibka madow ee Carvalho, hayeeshe waxa ay damacooda u weecin doonaan laacibka kooxda Porto ee Danilo oo u dhasay waddanka Portugal.

West Ham United waxa ay diyaar u tahay in ay lasoo wareegto Danilo Pereira inta uusan xirmin  suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Danilo Pereira oo horay loola xariirinayay kooxda Arsenal in uu u dhaqaaqi doono, ayaa dhaliyay 10 gool oo horyaalka ah 61kulan uu u saftay Porto.

Qore: Abdulaziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan