Home / Caafimaad / WhatsApp oo uga digay macaamiishiisa inay faafiyaan farriin ku saabsan caabuqa Corona

WhatsApp oo uga digay macaamiishiisa inay faafiyaan farriin ku saabsan caabuqa Corona

Himilo – Khubaro iyo seynisyahanno badan ayaa dadaal ku bixinaya sidii loo heli lahaa dawo lagula tacaalo caabuqa Corona ee ka dillaacay Shiinaha laakiin dadaallada socda ma noqon kuwa guuleystay.

Sida uu qoray wargeyska Mirror ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, waxaa jirta farriin ku baahday baraha bulshada oo uu qof ku sheegayo in dawo loo helay caabuqa dilaaga ah.

Dad badan ayaa ka fal-celiyay farriinta oo lagu wadaagay WhatsApp-ka iyaga oo su’aalo ka keenay isha ay ka timid.

Qofka farriinta soo diray ayaa tilmaamaya in khubarada Shiinaha soo heleen dawo soo gabagabeynaysa caabuqa Corona iyada oo uu qofka qaadanayo keliya tuun kahor xilliga hurdada.

Mas’uuliyiinta caafimaadka Shiinaha ayaa beeniyay inay soo saareen dawo ka taqalusi karta caabuqa iyo xogta sida khaldan loogu baahiyay baraha bulshada.

Khubarada ayaa xusay inay habeen iyo maalin ka shaqeynayaan sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada caafimaad ee taagan iyada oo la kaashanayo cidda ugu mudan ee loogu tagayo.

WhatsApp ayaa uga digay macaamiishiisa inay sii faafiyeen farriinta been-abuurka ah oo goor hore gaartay dad badan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan