Himilo –Ugu yaraan hal qof ayaa ka taqalusa naftiisa 40-kii ilbiriqsi kasta caalamka oo dhan sida laga soo xigtay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.
Hay’adda ayaa xustay in dad badan ku baxaan falalka ismiidaaminta inka badan dagaalada ka dhaca dunida.
Daldalaada, sunta iyo toogashada ayay hay’adda ku sheegtay qaababka ugu badan ee dadka ay kaga taqalusaan naftooda.
WHO ayaa xukuumadaha ugu baaqday inay qaataan tallaabooyin ay kaga hortagayaan falalka ismiidaaminta ah iyaga oo dadka ka kaalmeynaya la dagaalanka walwalka badan si loo yareeyo fursadaha ficilada isdilka ah.
Sida ku xusan warbixinta, 800 kun oo qofood ayaa ka taqalusa naftooda sannad kasta, waa inka badan dadka ay galaaftaan cudurrada Malaariyada, kansarka naasaha iyo dagaalada.
“Ismiidaaminta waa qaddiyad caalami ah oo saameynaysa caafimaadka guud, da’ kasta iyo deegaan kasta,” ayaa lagu yiri qoraalka WHO.
Falalka ismiidaaminta ayaa ah sababta 2aad ee dhimashada dhallinyarada da’dooda u dhaxayso 15 illaa 29 jir marka laga yimaado shilalka wadooyinka.
Waxay sidoo kale tahay sababta 2aad ee gabdhaha 15 illaa 19 jirrada marka laga yimaado xaaladaha dhimasho ee ka dhasha hooyanimada.